VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Caashaqa ha guul guulin mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Lafoole
Caashaqa ha guul guulin

Caashaqa ha guul guulin
Ha udiidin gogoshiisa
Gacalooy wanaageena
Ha ku dumin garaadkaaga

Garashada ha waydeeynin
Ha u guuxin nacabkaaga
Gurbood ka iyo dhalaankeena
Ha baneeynin garabkooda

Gudintaad afeeyneeyso
Ha ku gooynin midigtaada
Gibilsha iyo awrkeeda
Laba gees ha kala geeynin

Hadalka iyo go?aankii
Talada iyo gudoonkii
Reer dhibtii iyo wixii gaadha
Rabbi ha ina garansiiyo

Gocashada ha baadh baadhin
Ha ufiirsan godobteeda
Guurka iyo sharaftiisa
Ha gar-geeyn jaceeylkeena

Imtixaanka gurigeena
Guddi odayo loo saarey
Hadii la isku wada geeyo
Boqol iyo lagbay gaadhey

Rag ninkaaney gabadhiisu
Gol daloolo ka ilaalin
Qayrkiisa garab jooga
Waligii ma gaadhaayo

Hadalka iyo go?aankii
Talada iyo gudoonkii
Reer dhibtii wixii gaadha
Rabbi ha ina garansiiyo

Dhirta lama garaacaanka
Gunta xididka ha u saarin
Geed midhaha laga goosto
Geestiisa lama gooyo

Guryo samo adoo yaala
Abaar reer lama geeyo
Adoon sahan ku guureeynin
Geediga ha heenseeynin

Gafka ruux intuu geeysto
Garawshiiyo laga waayay
Halka kibirku gaadhsiiyo
Gumartida ha loo joogo

Hadalkii iyo go?aankii
Taladii iyo gudoonkii
Reer dhibtii iyo wixii gaadha
Rabbi ha ina garansiiyo.

codkii Lafoole