Caashqaqa Ha guulguulin
Ha udiidin gogashiisa
Gocalooy wanaageena
Ha ku gubin garaadkaaga

Garashada ha wiideen
Ha uguuxin nacabkaaga
Ubadka iyo dhalaankeena
Ha baneenin garabkooda

Godobtaada beeneeso
Ha ku goynin midigtaa
Gibasha iyo owrkeeda
Labo gees hakala geenin
Hadalka iyo go’aankii
Taladii iyo gudoonkii
tar iyo waxii gaaray
Rabi ha’ina garab siiyo

Gocashada ha baarbaarin
Ha ufiirsan godabteeda
Guurka iyo sharaftiisa
Hakala goyin jaceylkayna

Inta xaajo gurigiina
gudi oday loo saaray
Hadii la isku wada geeyo
Boqol iyo lab  bay gaaareey

Rag ikaad gabdhiisa
God doleela ka ilaali
Qeerkiisa  garabjoogo
Weligii ma gaaraayo

Hadalka iyo go’aankii
Taladii iyo gudoonkii
Berito iyo waxii gaaray
Rabbi ha’ina garab siiyo

Geed lama garaacaanka
Dhibka xidigta ha usaarin
Geed miraha laga goosto
Xidigkiisa lama gooyo

Guryo samo adoo yaala
Habaar reerka lama geeyo
adoon sahan kuguureenin
Geediga ha heenseenin

Gafka ruux intuu geesto
Garawsho laga waaye
Halka kibirka gaarsiiyo
Gumaanta haloo joogo

Hadalka iyo go’aankii
Taladii iyo gudoonkii
Berito iyo waxii gaaray
Rabbi ha’ina garab siiyo

Exit mobile version