dayaxiyo cadceediyo
deegaan la moodyeey
malab lagu durduurtiyo
dahabkoo iftiimaay
daawashada wacaney
damac baa iga kaa galay
waxxaa iga dardaarana
oon kaaga digayaa
dadku yay isku dirin
dab dhexdeena laga shidin

haday hadal daliishaan
dibnahaaga ha u celin
haday kula dagaalaana
u dulqaado waligaa
dusha hadalka kaga tuur
iyagaa dareemiye

waxaad ogaataa
inaan adi ku doortoo
dadka ka dhex soocdo
dumarka kuugu jecelahay
dadka waxaad ku digataa
markaan kuu dadaaloo
ubad daadaahaysee

Exit mobile version