daganaan xodxodashiyo
dooqu xulasho weeye
dani damaacday laabtu

galgacaylku igu diray
dunina aan jecelahay
ana diida malaboo

huga dooqsiintiisiyo
ubax diirta maalo
cayayaanku deginiyo
cosob weeyi dihano
calaf iyo diilashe

hadii qurux la dawado
indhaha lala daraandaro
qiil loo doortay weeyoo

bulsho kuway ku qadiyo
markaan darata eebe
runtu igu duuxdaayo
allow daa idhahdaa

dabcigiyo hufnaantiyo
derejada iyo qiimaha
dockastaan ka eegaba
anaa daali mooye
indha kuma idalyn karo
aayaha ku duugane

daa imkay ha dhowre
ila diracyadeeniyo
danabyada inoo kaca
ina daadeheeyane
allahayow nakala dilin
allow ha nakala dilin

Exit mobile version