macaantaan jeclaayeey
marwadii xalaashaay
naftu tay u muhatee
maankaygu raacaay
sharaf iyo midii wanaag
mawluhu ugu deeqaay
mudan tii haweenkaay
fartuuneey marwaa tahay
ma dhaafaankii dumarkaay
dhiigaygaad ku milantoo
runtii kaama maarmi karo

sida mayayga roobkoo
intiuu xalay mirtii da,ay
maasheeyay dunidyo
lagu wada maqsuudiyo
sida meel barwaaqa
dhirtu wada magooshaa
ana iila midab tahay
fartuuneey marwaa tahay
ma dhaafaankii dumarkaay
dhiigaygaad ku mmilan too
runtii kaama maarmi karo

Exit mobile version