Asluub dumar iyo xishood
Aqoon iyo qurux haween
Marwadii uu eebahey
Asaageed dhaafiyaay
Jacaylkaad abuurtay iyo
Kalgacaylkaad unugtay baa
Qalbigu kugu aaminee

Ahoow Iimaan ahoow
Ahoow waligaa ahoow
Ahaataye ii ahoow
Ayaanbadan ooridaan
Aduunyada ugu jeclaa.

Ilayskii nuurayaay
Iftiinkii waabaraay
Udgoonbadan aynigeed
Amaanta mutaysataay

Ishaa ii macalin oo
Gayaankaa ado qudhaan
Nafteeyda kugu aaminee

Adkee Iimaan adkee
Adkee waligaa adkee
Adkeeysaye ii adkee
Adaa arimada jacayl
Wadnuhu kuu oomayee

Aroos iyo aqal galnee
Awlaad ubad kheyr qaboo
Ina anfaca Eeabahey
Aamiin Rabbi ha aqbalee

Islaam sugan baynu noo
Alleh iyo Nabigii qiroo
Sunne iyo Faral oogayee

Ugoow Iimaan ogoow
Ogoow waligaa ogoow
Ogaadaye ila ogoow
Cibaadadu waa Albaab
Jannada irrid loo mare.

Exit mobile version