ubaxii xasuustee
een ifka ugu jeclaaye
tii aan habloo idil
iyada uun ka doortee
axdigaan la galay iyo
oofineysay wacadkaay
waligey ismaan oran
uurkeygana kumey jirin
xumey ooridaade
amarka qornaaye
isaseega nagu dhacay
waa amuur inaga weyne
inkastoo dab iyo olal
aqalkeeni lagu shiday
inkastoo dhexdeenii
buur adagi ku xirantahay
misna anigu sidiibaan
kuugu uur fayoobahay
indhaheygu sidiibey
ilmada kugu qubayaan
Alle wey u fududahay
mar ineynu kulane
sidiibaan ayaankiyo
calafka u sawraayaa
Rabigey ma eexdee
sidiiban amaanada
Eebe ugu kalsoonahay

onkadkii hilaacee
iiga baxay duleedkaay
astaamaha jaceylkiyo
ileyskii cadceedee
anshaxa iyo dhaqankaba
dumar ugu horeysaay
eed la igu dhaliiliyo
danbi aniga oon galin
dad ujeeda iga lahi
dhibato ey abuureen
tii leyga afduube
leyna kala irdheyaay
inkastoo dab iyo olal
aqalkeeni lagu shiday
inkastoo dhexdeenii
buur adagi ku xirantahay
misna anigu sidiibaan
kuugu uur fayoobahay
indhaheygu sidiibey
ilmada kugu qubayaan
Alle wey u fududahay
mar ineynu kulane
sidiibaan ayaankiyo
calafka u sawraayaa
Rabigey ma eexdee
sidiiban amaanada
Eebe ugu kalsoonahay

Exit mobile version