Asluub dumar iyo xishood
Aqoon iyo qurux haweyn
Marwadi uu eebeheey
Asaageed dhaafiyaay X2

Jaceylkaad abuurty iyo
Kalgacalkaad unugtay baa
Qalbigu kugu aaminee
Qalbigu kugu aaminee X2

Ahaaw iimaan ahaaw
Ahaaw waligaa ahaaw
Ahaataye ii ahaaw
Ayaan badan oridan
Aduunyada ugu jeclaa X2

Ileyskii nuurayaay iftiinkii
Waa baraa udgoon badan
Eynigeed amaanta muteysataayX2

Ishaa ii macalinoo gayaankaa
Adoo qura nafteydaya kugu
Aaminee nafteyda kugu
Aaminee X2

Adkeey iimaan adkeey
Adkeey walig adkeey
Adkeeysaye ii adkeey
Adaa aramida jaceyl
Wadnuhu kuu oomanye X2

Aroos iyo aqal galnee
owlaad ubad qeyr qaboo
Ina anfaca eebeheey
Aamiin rabbi ha aqbaleeX2

Islaam sugan beynu noo
Alla iyo nabigii qiroo
Sunne iyo faral owgayee X2

Ogoow iimaan ogoow
Ogoow waligaa ogoow
Ogaadaye ila ogoow
Cibaadadu waa albaab
Janada irid loo maree X2

Lyrics by Abdi deeq

Exit mobile version