Isma garasha dhaantaay
Maatada gumaadaay
Walaakeed gablamisaay
Gacalkeeda laaysaay

Geerida ku faraxdaay
Gayigeeda bi’isaay
Gurigeeda dumisaay
Alaabada ka gurataay
Dalshisheeye gaysaay

Golo iblays ka taliyaay
Umad wada gooracneey
galbatayee is daba qabo

Garba duub aqoontiyo
Diinta geed ku xidhataay
Xaqa gooni baadhaay
Runta tii ka gubatee

Dhalanteedu guuxdaay
Gardarada qadarisaay
Guuldarada ku nooleey
Asaageed ma gaadhaay
Bidhaan gabi ka lulataay

Golo iblays ku kaadshaay
Uma wada guracneey
galbatayee is daba qabo

Gudi hadimo xulataay
Waxaan jirin gorfeeysaay
Go’aan beena gaadhaay
Sida duul is garabsaday

Golo dhexe abuurtaay
Googaale mudataay
Carsaanyada gedeedii
Hadba gees u carartaay
Gacanteeda eedaay

Golo iblays ka taliyaay
Uma wada gooracneey
galbatayee is daba qabo

Exit mobile version