VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Labadii ismudatee - Lyrics

Labadii ismudatee U martiyay kalgacalkee Leysku mehershee Farxad lagu macsuumoo Wax layiri macnaha guur Maqaloo ka gudub iyo Maaha weedha oo qura Uma eka mashxaradee Waa wax laga macaashoo Magac looga aayoo Sharaf iyo mudnaanba leh Ruweydaay marwaa tahy Qoysdhan maa muleysee Axmadow ha moogaan Adna inaad masuul tahay Ruweydaay maseer dumar Waa mushkilad la eedee Axmadow maalmiyo Ha maqnaan habeeno Hadi aad ismagtan Ruweyday Ruweyday maslaxad iyo Yaan maran xishoodkuye Hubsiinada u meel dayo Axmadow mar iyo laba Adna hadalka miisaan Waa masiibo caraduye Ifku waa maqaar saar Sida mala awaalkee Kolba midab wax yeeshoo Muuqa doorsho weeyee Hadey gacantu maran tahy Waqti keena murugada Danta lagama maarmee Ilaahey ku mahadshoo Samirkana maciinsada Allahayow mataanaha Guurkoodu mira dhalo Allahayow mataanaha Muraadkoodu u hir galo Allahayow mataanaha Ubad iyo milkiyad sii Maankiyo Allahayow Qalbigooda muxibadu Mudo ey ku Raagtaa Allahyow mataanah Ku Nagee makaan qura. Lyrics: by Abdi deeq
Queue is empty
-- / --