VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Labadii ismudatee mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Lafoole
Labadii ismudatee

Labadii ismudatee
U martiyay kalgacalkee
Leysku mehershee
Farxad lagu macsuumoo

Wax layiri macnaha guur
Maqaloo ka gudub iyo
Maaha weedha oo qura

Uma eka mashxaradee
Waa wax laga macaashoo
Magac looga aayoo
Sharaf iyo mudnaanba leh

Ruweydaay marwaa tahy
Qoysdhan maa muleysee
Axmadow ha moogaan
Adna inaad masuul tahay

Ruweydaay maseer dumar
Waa mushkilad la eedee
Axmadow maalmiyo
Ha maqnaan habeeno

Hadi aad ismagtan Ruweyday
Ruweyday maslaxad iyo
Yaan maran xishoodkuye
Hubsiinada u meel dayo

Axmadow mar iyo laba
Adna hadalka miisaan
Waa masiibo caraduye

Ifku waa maqaar saar
Sida mala awaalkee
Kolba midab wax yeeshoo
Muuqa doorsho weeyee

Hadey gacantu maran tahy
Waqti keena murugada
Danta lagama maarmee
Ilaahey ku mahadshoo
Samirkana maciinsada

Allahayow mataanaha
Guurkoodu mira dhalo

Allahayow mataanaha
Muraadkoodu u hir galo

Allahayow mataanaha
Ubad iyo milkiyad sii

Maankiyo Allahayow
Qalbigooda muxibadu
Mudo ey ku Raagtaa

Allahyow mataanah
Ku Nagee makaan qura.

Lyrics: by Abdi deeq

codkii Lafoole