Anu baa lalalabayoo
Caashaqa ilulayee
Shoo jaceylka laabta iyo
Lubiga kumaan haynin

Kalgaceylka leebkiyo
Ila laacay hoodadu
Annu buu iluudshaye
Show dhan leeriyo
Leexaba kuma kicin

Anu baa la liitoo
Ladi waaye jiifkee
Shoo adiguna ladnaan baad
Raaxa ku ladantahee

Qalbigii laciifkii
Ee kugu lamaana
Maad laxad jecleeninee
Lumisee ha raaceedee

Anu baa lugayoo
Caashaa ilurayee
Show la yaaabay
Laxgaya igu kululyahay

Anu baa lahshada
U ahaa lilaahiyee
Ama kugu lulmayee
Show luqan jabkeeyaba
Libin baad ka dhigatayee

Anu lalaabtoo
Kalgaceylka laacee
Inanyahay maba aad ladhicin

Qalbigii laciifkii
Ee kugu lamaana
Maad laxad jecleeninee
Lumisee ha raacdee

Exit mobile version