Ilhaan… waa guul ilaah
habkii la inoo gingimey
aroos loo wada guntadey
jaceyl igu gaaxdaybaa

Intuu igusoo godladey
gayaankeey kaa xushee

Guurkeenaa hagaageybaa
qalbiga farax galinayoo
xasuustaan la goohayaa

Dunida bari iyo galbeed
adaan gooniyaha arlada
intaa kaa goobi jirey
maxaan rabigey gargaar

Ducada aan kala go’ayn
gacmaha kor u taagi jirey

Gurigii waa kaa dhismoo
gugeeney nagu simee
cishqiga gaaxdiisa maal

Galadi waa deeq Ilaah
hadaan geedigii ku furey
xareed galacliyo nimcada
ubaxa geedaha ku yaal

Midhaha aan goosanoon
jaceeylka gardaadinee

Kalgacayl aan gaagaxeeyn
ayeeynu gudoonsanee
gacalo hoo ila wadaag

Exit mobile version