Fadumooy ma ogtahay inaan
araxdii ka jabayoo
oofuhu I daloolaan…x2

Ma ogtahay inay
ama igu mudan tahayiyo
aabley aan la aragee…x2

Ma ogtahay inaan
eeday barashadaadii…x2

Fadumooy ma ogtahay inaan
kalgaceylka aawgii
anfacadii ka Go’ayee…x2

Ma ogtahay ineey
ilmadeydu iga qubatoo
u il daranahay aawgaa..x2

Ma ogtahay inaan
eeday barashadadii…x2

Fadumooy ma ogtahay inaan
utun aan hareeniyo
igu reebtay eel culus..x2

Ma ogtahay inaad
imiir qaaday anigoo
wali tahay mid ii daran…x2

Ma ogtahay inaan
eeday barashadadii…x2

Lyrics by Dayran Omar

Exit mobile version