Ha haligin naafadu
Halaag ha iska tuurinee
Hagaag usoco

Adoo haybad iyo sharaf
Rabbi hibo ku siiyoo
waxaa doonto heli kara

Waa adigan halowsano
Ehelkii wacnaaa
La habaabay kow dheh
Maxaa helay jaceylkii ?

Ha haligin naftaadu
Halaag ha iska tuurinee
Hagaag usoco

Anoo kuu hanweenoo
Kaa ilaalshay hadimo
Habeen adiga kugu jecel

Adigaa ihiifoo
Har cad iga dhaqaaqo
Iga hiilshay cadawgee
Maxaa helay jaceylkii

Ha haligin naftaadu
Halaag ha iska tuurinee
Hagaag usoco

Exit mobile version