waxaan naga su'aala
wiilka somaliyeedo
maxaa dadka kulu wacan

waxa dadka ila wacan
dalkiisa ninka wax u tara
somalinimo ku weyn

ninkaa wadar kala ogeyn
sokeeya waran isla dhacay
ninka waayiyo digniin
wanaag u yaboohiyo

waaga wada cadbaa
tanaystuhu weecin karin

wadani ma qarsomayooo
waxgarad kale maba jiree
magac waariyo qadirn
nin door kuma wayi karo

waxaan naga su'aala
wiilka somaliyeedo
maxaa dadka kulu wacan

waxa dadka ila wacan
ninkii weheshada dan guud
tan gaarana waswaas ka qaba

waxyeelana aan ku kicin
markii la iska hor imid
markii la is jaray wadnaha
dharaarta walaacu dhacay

ninkii ha is fiiqino
dadkii wada jir ku imid

wadani ma qarsomayooo
waxgarad kale maba jiree
magac waariyo qadirn
nin door kuma wayi karo

Exit mobile version