kala qaxa qareen laay
had iyo jeer is qontaay
qaldaneey dareen laay
qawl is wada qaniintaay
jidka qaran u dumaneey
qilaaf lagama waayaay
waligeed ma qanacdaay
hadaad kala qab wayntood
qabyaaladina wacan tahay
bal qoyskiinii soo hadhaa
ha xukumo qubuuraha

qisaas qudh gooyaay
qiiro iyo qamuunyooy
bulsho kala qaqobaneey
danta qiil u waydaay
qorshihii marqaankee
qaadiradu lummisaay
gabigeed qalibaneey
hadaad kala qab wayntoo
qabyaaladina wacan tahay
bal qoyskiinii soo hadha
ha xukumo qubuuraha

qaloociyo dhib badaneey
nabad kuma qaboobaay
tii kala qalootee
qaarba meel ku oodmaay
qar qar iyo xanuuniyo
qaska tii ku madhataay
umad wada qafiiftaay
hadaad kala qab wayntoo
qabyaaladina wacan tahay
bal qoyskiinii soo hadha
ha xukumo qubuuraha

Exit mobile version