lafta dhabarta adhaxda iyo unugyada dhiigiyo jiidhka
laxaadka intiisa kale
adimadii celinayaay
laxaadka intiisa kale
adimadii celinayaay

jaceelkii waaya arag astaantii lagu xusaay ubucda berkiyo wadnaha adaa masalaha dhigtoo kaligaa kugu aaminee
cid kale looma ogola
cid kale looma ogola

afadii dhibka ila martee
samirka ila qeeb sataay
amaanada dhoortaay ee
balanta ila foosiyaay ee
abaalkaad iga mudneed waligay ma ilaawayoo
qalbigaad ku abuurantee

ogow ruunay ogow adaan
ifka kuu jec lahay
ogow arkasay ogow adaan ifka kuu jeclahay

aroortii cir onkaday iyo
udgoonkii gufaacadaay
xareedii i oontirtiyo
raxmadan ku ildoog sadaay

aasaaskii udub dhigiyo
aqalka tiir isu hayaay
siday wiyisha ilmadheeda
eeg mada ugu laxowsataa
uur kuu nugul seexatoo
cid kale looma ogola

ijaabadaan ka aflaxiyo
ilayskii nuur daalac shaay
xubnaha jidhka unigiyo
ruux daad ku aroortayoo
iridka sambabada dagtoo
cid kale looma ogola
cid kale looma ogola

Exit mobile version