Hoodiyo ayaanley
habeen dhalad nasiibley
haanshana gobaadley
sadex qeyd hanaanliyo
boqor lagu hagoogiyo
dhacle lagu habeeyiyo
adigoo hidiihii qaba
soo heeti hodaneey
adigoon haraad qabin
soo heeti hodaneey

Hibaaqiyo udgooney
sida hogol hanaan qurux
hobaanta midab u leh
adoo heensa qaadkiyo
hubinaaya socodkoo
hadafaaya gobonimo
adigoo hidiihii qaba
soo heeti hodaneey
adigoon haraad qabin
soo heeti hodaneey

Haybadaada sharafta leh
habeenkaaga kheyrka leh
dharaartaada hibada leh
quruxdaada hodanka ah
qiimahaaga hubanka ah
timihaaga hadhaca ah
adigoo hidiihii qaba
soo heeti hodaneey
adigoon haraad qabin
soo heeti hodaneey

Exit mobile version