garashada dayoowdaay
ismo dhaanto dirirtaay
dibjir wada sikhraamoow
daran dori laba dhinac
danab iyo madaafiic
magaaladii ku dumisaye
xageed baad hadhaw dagi
ma dalbaan idiin hadhay
taladaba kumay darin
waar hooy aan idiin dido
ha la is dilo xal maahee
dadku nolol ha raadshee
sidan maad ka daysaan

armi digasho reebtaa
dib armay u eedaa
dagaalkii sokeeyaha
armay cadho is dooxda
sida duulkii lagu rogay
armuu daadku qaadaa
armay doog heshiyo daaq
hurdadaba la diidaa
taladaba kumay darin
waar hooy aan idin digo
ha la is dilo xal maahee
dadku nolol ha raadshee
sidan maad ka daysaan

xal baal waayi doontaa
dalanbaabi bay noqon
dujaal baa dab siinoo
waxa sidi dabaylaha
darxumay ku noolaan
kala durugsanaantee
waa wax loogu daw galay
dacar inay ka boodee
taladaba kumay darin
waar hooy aan idiin digo
hala is dilo xal maahee
dadku nolol ha raadshee
sidan maad ka daysaan

Exit mobile version