bulsho is qolaysatiyo
somaali qabiil udaa
qof qaato ka maarmi kari
dawladii qabiilku galay
saaxiibtinimo qabiilka dilay
hankiina qabiil u rogey
miyaan ku qancaa aniga
haduu isa soo qayaxo
ku qayliya gelin dhexaad
anigu qaranban ahoo
qabyaalada waan necbahay

hogaankood waa qabiil
degaankood waa qabii
talo raadintu waa qabiil
salaantood waa qabiil
guurkoodu waa qabiil
shaqa geyntu waa qabiil
xamxamtu waa qabiil
sadaqadood waa qabiil
samirkood waa qabiil
farxadood waa qabiil
fankooduna waa qabiil
qabyaaladu waa qabiil
dariskuna qabiil ku xidho
soomali qabiil badnaa
naftooduna ku qanacsana

qooman is wada jeclayn
somaali qabiil u daa
qurbaha waa waxa ini qubay
qarafaadhug idinka dhigay
ini baday qaxootinmo
qayrkiin inaad tuugsataan
khayraadkii lagu daldashay
qayb qayb sidii ka dhigay
dadkeeni qarkaa ka riday
nacab uu idin soo qayaxay
qoomamo aad la nooshihiin

Exit mobile version