Anoo baahidaadiyo
Boholyawga caashaqa
Daraadaan u gooyoon
Basanbaasay awgaa
2x
Adaa iga baydhayoo
Dhalanteedka beentaa
Igu boorinaayoo
Hadii balad laguu lulay

Adaa iga baydhayoo
Dhalanteedka beentaa
Igu boorinaayoo
Hadii balad laguu lulay
Buugii sirtaadiyo
Beentaadii waan helee boowe

Baryaan baryaan ku jeclaayoo
Kaa baxay adna beedhso meel kale
Boowe haysu kay lurin
Ka bogsooday jacaylkee jacaylkee
2x
Anoo balankii aan furin
Baadkiina iga go'ay
Bogan waayo jiifkii
Runtii ii baneeyee
2x
Ka baabay balantaan lahayn
Baylahshoo bi'yay caashaqii
Badweyn adigaa jibaaxee
Waxa aad shalay baafisayee

Ka baabay balantaan lahayn
Baylahshoo bi'yay caashaqii
Badweyn adigaa jibaaxee
Waxa aad shalay baafisayee
Haduu maanta kula ba'naadey
Waa maxay baroortuye boowe

Baryaan baryaan ku jeclaayoo
Kaa baxay adna beedhso meel kale
Boowe haysu kay lurin
Ka bogsooday jacaylkee jacaylkee
2x

Exit mobile version