Kalagacayl nafta keena daxaboo
Ku nagaaday kashkaygiyo laabtoo
Kama maarmee qalbigu
Keydsan waayee
Kuu imidye kulankeenan qeyrkeen
Halale kaalay huuno

Helayaaloow helayaaloow
Helayaaalow hoboow helayaaloow
Helayaaloow helayaaloow
Helayaaloow hoboow helayaaloow
Ha helayaaloow

Kaan jeclaayoow bogayga
Ku yaaloow
Naftan hoo kalmadaadu
Sab weeyoo
Kaldhanbaan ku qadaa
Kaligeedee
Aan kalsoonida qoys
Ku yagleelee kaalay huuno

Helayaaloow helayaaloow
Helayaaalow hoboow helayaaloow
Helayaaloow helayaaloow
Helayaaloow hoboow helayaaloow
Ha helayaaloow

Daymo doog leh dalkii
Aan ku hoorne
Aan arooskaba doolo
Kash kaashaaye
Dambalkiisa karuur
U wadaagnoo
Dooxa dhaanto ha kuugu
Tuminee

Helayaaloow helayaaloow
Helayaaalow hoboow helayaaloow
Helayaaloow helayaaloow
Helayaaloow hoboow helayaaloow
Ha helayaaloow

Sidii kuray reer wiil aa
Koriyaa cishqiga kobciyaayoo
Kaaha waa cadceeda korkeenaa
Ku farxaan indhahayga aragaagee
Kaalay hoono

Helayaaloow helayaaloow
Helayaaalow hoboow helayaaloow
Helayaaloow helayaaloow
Helayaaloow hoboow helayaaloow
Ha helayaaloow

Exit mobile version