Qaban qaabo guur
Jacayl iyo qofaad
Nafta qaybsateen
X2

Qalbiyada dad aan
Kala quusan karin
X2

Qurux iyo ilwaaad
Qayrkay hablaha
Dumarka anoo qayb
Fadhiyee x2

Sinji quursi iyoo
Qaraabada tolkaa
Waxay kugu qasbeen
X2

Qodob hooyo iyo
Dhasheed kala qo-
Qobaya qoys isjecel
Caado ma u qalmaa
Xeerka ma u qalmaa
X2

Qarni tagay xusuus
Yaa uhelay qareen
Suugaan ka qora x2

Qisadayda yaa hada
Qiil ufura x2

Qamuun iyo catow
Qoomamadu miyay
Qadar baajisàa x2

Sinji quursi iyoo
Qaraabada tolkaa
Waxay kugu qasbeen
X2

Qodob hooyo iyo
Dhasheed kala qo-
Qobaya qoys isjecel
Caado ma u qalmaa
Xeerka ma u qalmaa
Dhaqan ma u qalmaa
X2

Exit mobile version