qiimaynta noloshiyo
siduu ii qadariyaan
anba ugu qushuucee
yarkaw waa isu qalanaa

kor markaan u eegaa
qac indhaha ku siiyaan
jirku ii qaboobaa

ALLE iigama qaadaa
igama qaadaa
qaayo wayne ii daa
qalbigayga ii daa

qudha iyo naftaydiyo
ogow ruuxa qaaliya
sidaad iigu qorantaan
ana kaaga qaatee

qudha iyo naftaydiyo
ogow ruuxa qaaliya
sidaad iigu qarantaan
ii qabo ku odhan laa

kor markaan u eegee
qac indhaha ku siiyaa
wahab la iiga qaadaa

Exit mobile version