sidii dhuuxii boorame
dhirtu wada ugoonay
dhaameel ku yaalay
ubax wada dhalaalo
dhabanadu casaadeen
dhaaxadu ay udgoon tahay
sidii baad u dhigantoo
dhabi baxay lamoodyeey
waad igu dheertahee
dhaayihii ku arkaa
wanaag dhaxal uyeeshee
waanigan dhaqaaqoo
waan dhoofayaaye
axdi meel ma dhiganaa
sidii dhool gu yoo da ay
ama dhibicda roobka
tii laygu dhigayeey
ama laama dhabiyoo
webi hare kuyaalo
wabiga dhinaca saaree
dhoolay sidaasaa
dhimirkaygu racoo
kuma dhaafi karayee
dhaayihii ku arkaa
wanaag dhaxal uyeeshee
waanigan dhaqaaqoo
wan dhiifayaaye
axdi meel ma dhiganaa

Exit mobile version