Soo dilaaca waaberi
Cirkoo daaha faytoo
Dhurkuna is daalacay
Mayay yari da'aayoo
Onkod hiririg leeyiyo
Sagalkiyo daruuruhu
Ku darsami hilaacoo
Quruxdaa la daawado
Deeqaw iiga dhigantee
Sidii buu darenkiyo
Jidhku ii dubaaxshaa
Damiirkaad ku ladhantoo
Kuma dayn karaayee
Daadihi jacaylkoo
Yuu dumin hankiisuye
Dadab aan wadaagnee
Dacalkaaga ka adkaw
Sida dhool guyoo da'ay
Daruurihi hargaysiyo
Mar ay dooxii waaheen
Doogii cagaaryoo
Ooy culimo duub ihi
Digrigiyo quraankii
Dadka ay baraayaan
Ducada la beegsado
Dawsaay iiga dhigantee
Sidii buu dookhiyo
Damac ii hogaanshaa
Hintigaad ku ladhantoo
Kuma dayn karaayee
Daadihi jacaylkoo yuu dumin hankiisuye
Dadab aan wadaagnee
Dacalkaaga ka adkaw

Exit mobile version