qofkaad aad u jeceshay
hadii aad is qabataan
inkastoo qilaaf jiro
naftaan quusanaynoo
qalbigaagu kama hadho

ana qaaligaygoow
qanci maayoo jeerood
igu qabato laabtee
kaalay qarawga iga bii

qadar lalama yaabee
qaladkii hore dhacay
adigoo u qun waynayn
qoomamana ka maan xalan
qudha igu labee labee
nolol ila qorshee wacan

qofka aanad huri karin
hadii qaayo kula rabo
inkastuu wax qoonsado
naftu ay qiimo waydo
qasdigiisu waa guul

adna qoys dhiskeeniyo
qiimee wanaagoo
u qum wada jirkeenoo
qalbi ha iga dhigin kali

Exit mobile version