saaxiib aan doortaan
dajisaye naftaydii
waligaa ila duubnaw
waxa tahay duur iyo diir
lagu ababshay diintoo
dabcigaaga wacanbaan
ku ildoogsadayee
ifraax dunida guudkeed
abaal kaagan doortaa
ma dabooi karayee
rabi daarta aakhiro
darajiyo kusii guul
saaxiib ideeqdaay
durkisaye hankaygii
waligaa iidacal joog
waxa tahay dantaydii
lagu duubay laabtoo
daacadaada mudanbaan
ku daraandarayee

Exit mobile version