waa run inaan ku jecelehoo
nafta kuugu yaal jiidh
waa run inuu la jaaryahay
qalbigaygu jamashada

waa run inuu jidhkaagii
igu jalay xusuus wayn
run inaad ku jilantay
waa rune waa rune
wadnahayga jaaloowe

jibada anoo qaba
waxaan jabadka caashaqa
nafta uga jarmaadshay
waa jabkaad i marisee
ma jeclayn dharaar qudha
inaan joogo meel kalee

waa run inaan jimiimica
adi kuu jadh jeedhsamaye
waa run inaan jugtii qabo
aan la jaar ahaan jiraye

waa run in joogto igu yahay
jiribkiyo xanuunkiiye
waa run inaan jixaasnahay
wiilyahaw jacaylkiiye

Exit mobile version