waa laba is aaminay
umada iska doortoo
isu uur samaadoo
anshax lagu hagoojee
EEBANA u hiilshoo
aayaha u hagaajee

uurkaa laga duceeyaa
aqbalkana ALLA iska leh
aqalkaad yagleesheen
udubkii ha raagee
nolol aayatiin lehiyo
ubad khayr le kala hela

waa uliyo diirkeed
ehel iyo qaraabiyo
asxaabiyo sokeeyiyo
islaamkaa u duceeyoo
EEBANA u hiishoo
aayahood hagaajee

waa aroos qurxoonoo
sida loo agaasimay
anba aan la yaaboo
aadmiguna jeclaystee
EEBANA u hiishoo
aayahood hagaajee

Exit mobile version