rafaad kalgacayl kureebay nafta
rayiga dadka siiya roor ka qabte
rajaynta miyaan ku raadin lahaa
rucubta ubaxoo riyada la kaciyo
raxlaynta dartaa ragaas ka noqde
naftan ku rabtaa ruqaansi u luray
ramaaska jacayl runbaan u jatee
hadaan rabi karo rajada xilashada
adoo rabayoo rafiiqnimo jaray
miyaan rabitaan ku raadin lahaa
raqiis caashaqaa rikaato dhalee
raxmada noloshaa rad goobayee
raaf raafka miyaan rabaasi lahaa
rug iyo aqaliyo raasbaan tabcayee
raaxada noloshaan ku raysan laha

Exit mobile version