Hooyoy hooyoy hooyoy
Macanay hooyoy
Halbowlihii naftaydaay
Hooyoy macanay hoyoy
X2

Halow markaad tiraah
Daa howlaha aduunkiyo
Hantiba waan ilaawaa
Hadba waxan xasustaa
Horaad kaad ijaqsiisoo
Isma hayn karaayee
Ilmada wayga hoortaa
Hoyoy hooyoy macanay
X2

Ifka halkad ku noshahay
Hagar daamo iyo ciil
Alow halista kaa dhowr
Hoyoy hoygii aakhiroo
Janadii haboonayd
Xareedii fardowsiyo
Hooyo kuu baryaayaa
Hakuu hibeeyo eebee
X2

Hooyoy hooyoy hooyoy
Macanay hooyoy
Haqabtira naftaydaay
Hoyoyo macanay hoyoy
X2

Hurdi waayay awgaa
Markaan hiil ubahdaba
Hadal aanan garanayn
Adaa iigu heesoo hoyoy
Had iyo jeer adaan kugu
Hamiyayaa ku hilmaami
Maayee halistaad la
Daaq daaa x2

Ifka halkad ku noshahay
Hagar daamo iyo ciil
Alow halista kaa dhowr
Hoyoy hoygii aakhiroo
Janadii haboonayd
Xareedii fardowsiyo
Hooyo kuu baryaayaa
Hakuu hibeeyo eebee
X2

Exit mobile version