Adigaan ku doortoo
Dadka kaala soo baxay
Darxumiyo dhibaatiyo
Belo kuuma quudhee

Nafta adiga mooyee
Ruux kale ma doontee
Dawadey inaa tahay
Dana kaama saarnee
Intaan dunida ku nool
Daainkay uumay
Kaa doortay kaligaa
Dookhaygaa ku raacoo
Kuma dayn karaayee
Adaan kugu dan seegee
Daadihiyoo caashaqoo
Farxadayda ii yeel

Adigaan ku doortoo
Dadka kaala soo baxay
Darxumiyo dhibaatiyo
Belo kuuma quudhee

Dartaabaan u noolahay
Niyadaa kugu dagaysoo
Kugu diirsanaayee
Ruux lagu dagaa tahay
Dareenka qalbiga iyo
Dawo caashaq waa adi
Intaa dunida nooshahay
Ku dadaal danteenoo
Ha dayicin wanaagey
Jacaylkeena daadihi
Ha ka dooran meel kale
Hilo waa damteenii

Adigaan ku doortoo
Dadka kaala soo baxay
Darxumiyo dhibaatiyo
Belo kuuma quudhee

Baby waxaa tahay qeyb ka mida noloshayda macaanto marna ma u noolaan karo i love you so much baby i love you so much

Exit mobile version