Sida roob gudgudayoo
Bari galac ka soo idhiyee
Goolalaaya hawdee
Haye go,iisiyo
Godanada xalxalisee
Gaashaamo biyo dhigay

Gibladiyo cayaaraha
Dhalinyaro is guratay
Googooso moodee

Ana waxaan gu,yaal badan
Intaa gaaf wareegaba
Adaan adaan
Adaan kuu gon leeyahay

Sida geeyadii bariyee
Gutuniyo saraariyo
Gubatooyin lagu furay
Galabtiina mayracayeey
Gar adag la daajoo
Galbis loo habeeyee

Soo naari gaaroo
Gayigaba ku caanoo
Gula joogsi laa tahee

Ana waxaan gu,yaal badan
Intaa gaaf wareegaba
Adaan adaan
Adaan kuu gon leeyahay

Exit mobile version