Hadii qiimiyo inuun qurux
Qufuun lagu sheego loo qiro
Hadii qiimiyo inuun qurux
Qufuun lagu sheego loo qiro
Weynuhu kugu qeex
Wax qeybshaa

Hablaha qarnigaad u qaali tahoo
Qormaad isku taagtay qeyrkaa
Hablaha qarnigaad u qaali tahoo
Qormaad isku taagtay qeyrkaa
Hadaan qalanjooy ku qaayibay

Jacayl ma qarsoonto qoontiisiyo
Qudhuu helay qeexi kari waayoo
Qofnaba kama lado haduu ku qabsado

Hadii qiiriyo qandhiyo nabar
Cishqigu qamar iyo qisaas yahay
Hadii qiiriyo qandhiyo nabar
Cishqigu qamar iyo qisaas yahay
Qey qoofaley qey sidiisii

Waxaan qariyaba haday qaraxdoo
Qudhaydii tagtoo qolbaan ahay
Waxaan qariyaba haday qaraxdoo
Qudhaydii tagtoo qolbaan ahay
Mar uun ila qaboo waxaan qabo

Jacayl ma qarsoonto qoontiisiyo
Qudhuu helay qeexi kari waayoo
Qofnaba kama lado haduu ku qabsado

Exit mobile version