Hoy kulankii horjaagaagiyo
Hagoogta maryaha
Ee laabta qurxoon
Indhihii halacsaday
Jacayl ku noqdee

Hanaanka wanaagsan
Hadalkaagiyo
Habkaad u dhaqaaqdaybaan
Baan ka heloo
Ku soo hirtayo
Mabana hakanine

Hidiyo dhaqanbaad
Hormuud u tahee
Hidiyo dhaqanbaad
Hormuud u tahee
Anaa hub haybad
Lagu sariyee

Xishoodka hadheeyay
Halis tabiyoo
Hirbaad tahay
Loo hanweeyahayee
Hablahaad u hormooday
Gogoshaada,ee

Sidii hogo hoortay
Kuugu hirtoo
Hilaac wacanaynay
Naftaa huguntoo
Intay yaansatay
Mabay hakanine

Hidiyo dhaqanbaad
Hormuud u tahee
Hidiyo dhaqanbaad
Hormuud u tahee
Anaa hub haybad
Lagu sariyee

Exit mobile version