Xaawaba iblaysbaa
Janadii ka xooroo
Xukunkiisa maqashaye
Waa xusuuusee ila garo
2×
Xay tahay aroornimo
Qof xareedu wadhan tahay
Xuural cayn la moodyeey
Xubiyeey jacayleey
2×
Ha uu xiilanin nacabku
Yaanu helin xogteenana
Ha uu xiilanin nacabku
Yaanu helin xogteenana
Xagna yay u dheeliyin
Xaajada dhexdeenuye
2×
Xigtooy ruux ku jeceloo
Kuna raba xanaaneey
Xumaan laguma daya oo
Looma jaro xadhkaha adag
2×
Xamag kawgu geedaha
Siduu ugu xayiran yahay
Xuural cayn la moodyeey
Xubiyeey jacayleey
2×
Ha uu xiilanin nacabku
Yaanu helin xogteenana
Ha uu xiilanin nacabku
Yaanu helin xogteenana
Xagna yay u dheeliyin
Xaajada dhexdeenuye
2×