Cadkii Illaahey iga beeroow
Curadkaan jeclaayoow
U Calool Nuglaayoow
Cowr iyo ilba La’aaw X2

Caafimaad Qab Cudur Li’i
Cimri Dheer Cibaada Leh
Cilad Li’i Ku Nooloow X2

Calafkaaga Guur Wacan Iyo
Caano Iyo Nabad
Casiiska Haka Yeele X2

Midaan Ceebla Dumar Laheen
Oon Camal Islaam Laheen
Caabudin Illaahey
Waligaa Ha Caashaqin
Adna Ceeb Iska Ogoow X2

Cawo Leyl Gudcur Baan
Cirkoo Hoorayoo Furan
Casiiskaan Baryoo Aan
Calaacalaha Hoorsaday X2

Inaad Noqoto Ciil Tire
Cawo Iyo Nasiib Wacan
Talo Kugu Cuslaanine X2

Calafkaaga Guur Wacan Iyo
Caano Iyo Nabad
Casiiska Haka Yeelee X2

Midaan Ceebla Dumar Laheen
Oon Camal Islaam Laheen
Caabudin Illaahey
Waligaa Ha Caashaqin
Adna Ceeb Iska Ogoow X2

By :—> Amuuna Abdullahi

Exit mobile version