anigoo qiyaastii
qaangaar ahayno
kala garan sax iyo qalad
qowlka waalidkay iyo
aan qadarin walaalkay
saw qool kumaan dhicin
oo qalqaali ima helin
qiimahaygi muu lumin
waxba yaa qaracankiyo
qoomamadu i haynin
qaadir waxaan ka tuugaa
qaybta aan lahaa iyo
wuxuu aniga ii qoray
nolol lagu qaboobiyo
qurux inaan k doogsado

qabyo weeyi dunidaye
qofna uma ahaatee
qmanaanta wacaniyo
qoraxdii timaadaa
qiso iyo dharaar leh
mar hadaan qaloociyo
qaraarkiiba soo maray
qosolkiina ii hadhay
waxba yaa qaracankiyo
qoomamadu i haynin
qaadir waxaan ka tuugaa
qaybta aan lahaa iyo
wuxuu aniga ii qoray
nolol lagu qaboobiyo
qurux inaan k doogsado

Exit mobile version