anigoo qiyaastii
qaan gaadh ahaynoo
kala garan sax iyo qalad

qawlkii waalidkay iyo
aan qadarin wallalaba
saw qool kumaan dhicin
oo qalqaali ima helin
qiimahaygii muu lumin

waxba yaan qaracankiyo
qoomamadu ihaynoo
qaadir waxan katuugaa
libtaan lahaa iyo
wuxuu aniga iigoray

nolol lagu qaboobiyo
qurux inaan kudoogsado

qabyo weeyi duniduyee
qafna uma ahaatee
qumana macaan iyo

qoraxdii timmadaa
qiso iyo dhaaraar lee
marhadaan qaloociyo
qadhaadhkiina soomaray
qosalkiina iihadhay

Exit mobile version