Nafta waxan ku sasabaa
Ku seex shaa habeenkii
Sawirkaaga weeyoo
Soo suran hortaydee
X2

Siduu iila hadlaayaan
Usan qadaa sagaal jeer
X2

Salka kama daganiyoo
Saadaal kunool baan
Sabanadan ahaayoo
X2

Samihii dhex deeniyo
Arimaheenii soojiray
Maan sahashan aniguye
Wali waa sidoodii x2

Ha sababin naftaydoo
Waxaan seegi mayniyo
Sahal yaynan kula noqon
Oo ha igu siidayn x2

Waxba ismadaba marin
Waxba kama dabamarin
Wacad kii masiidayn
Kaamana sag saagine
Indhaha ruux masaroo
X2

Saatir wuxuu abuuraa
Adiga iila kaa siman
X2

Ifka uma sugnaanine
Jaceel sii siyaadoo
Salka unuga haystoo

Saab layda feeraha
Sambabadiyo beerkiyo
Wadnahayga suranoo
Saameeyay weeyoo
X2

Ha sababin naftaydoo
Waxaan seegi mayniyo
Sahal yaynan kula noqon
Oo ha igu siidayn x2

Exit mobile version