VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Awlaad jacayl - Lyrics

Jaceel kaan ilaawee Inta badan maqnaayee Ayaamuhu fogeeyeen Wakhtiguna amaahday X2 Calaf kaan amaahdeen Ku sugaayay aakhiro Dhinacaan aboorkiyo Samir kaba ku iibsaday X2 Awlaad jacayl dhalay Udgoon kaad ku garataa X2 Ubixii jaceel kee Indhahaygu waayeen U ekidaa X2 Sida qalanjo ilaah Aan wali arbuhu Oodeeda Rogin ama Geenyo uguboo Wali Faraska haatani ilinkeda Marin ayaan Olola Goohaa X2 Markaan ku eegaa Oogadaydiyo indhahay- Guba kuu ilmeenayaan X2 Jacayl kaan amaaneen Afka kaga dhawaaqay Orodkiyo awoodiyo Adimadu cuslaayeen X2 Ugub xaajadan curad Sida wali ishaaray Niyadaan adkaysiga Arxan uga dhigaayay X2 Awlaad jacayl dhalay Udgoon kaad ku garataa X2 Ubixii jaceel kee indhahaygu Waayeen u ekidaa X2 Afar weeyee duniduyee Arka iyo kasheekee Indhooliyo dhagoolaha X2 Waxaan la amakaagaa Ayaamahan isoo maree Aragaaga igu simay Alaan mahadinaayaa X2 Markaan ku eegaa Oogadaydiyo indhahay- Guba kuu ilmeenayaan X2
Queue is empty
-- / --