sidii wabi dur durayoo labadiisa daamood
doogii kasoo baxay dacalada isdhaafsheen
laamaha dushiisana shinbiruhu kudoodaan
ama dayr samaatoo dadku nabad kuwada yaal
duunyaduna fooftoo ku dareertay hawdkii
waan ku doonayaayoo adigana daraadaa
indhihii idaaleen naftan kuudiyaarkee
ragba kaan ka doortoo caawaan dadab galaynaa
sidii darcad ramadoo daax xasleh joogtoo
duhurkii markay tahay mayaygii uudhalay
danbeedada lamarayoo durdurada dhasheedii
hadba dacal ka dhaaftaa kuu daawadaayoo
naxariista daymada nafta kugu daweeyaa

Exit mobile version