VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hogal weeye mana hoorto - Lyrics

Milic kama hadhsada oo Kamana hoydo dhaxantee Ku halaabay ku habaabay Hirka laguma hoydaan Hogol weeyi mana hoorto Hilaacana ma daysee Hal aad tidhi warmoogoow Nafaa ka halaanhaline Kuma hiishid halisteeda Kamana hadhid hawshee Halkay adiga kaa tahay Lama hadin hadaayee Marna kama hakada oo Kamana helo hiilee Ku hagaagay ku hanuunay Hadhna iima jiidee Ku hagaagay ku hanuunay Iimana hilawdee Hogol weeyi mana hoorto Hilaacana ma daysee Hawl iyo dhibaatiyo Hami kugu badnaayoo Hibashada naftaaduu Halis maanta galisee Hada adiga taladaa Halkay caawa taalaa Mala kama hirgala oo Kumana hakiyaanoo Ku hanqaarmay ku haraaday Hadhna iima jiidee Hogol weeyi mana hoorto Hilaacana ma daysee Hawo ninay fogaysaba Danbaa hoos usoo celine Ku habawday ku hakawday Kuumana hiloobee Hada adiga taladaa Halkay caawa taalaa
Queue is empty
-- / --