VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Hogal weeye mana hoorto mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Maandeeq
Hogal weeye mana hoorto

Milic kama hadhsada oo
Kamana hoydo dhaxantee
Ku halaabay ku habaabay
Hirka laguma hoydaan
Hogol weeyi mana hoorto
Hilaacana ma daysee

Hal aad tidhi warmoogoow
Nafaa ka halaanhaline
Kuma hiishid halisteeda
Kamana hadhid hawshee
Halkay adiga kaa tahay
Lama hadin hadaayee

Marna kama hakada oo
Kamana helo hiilee
Ku hagaagay ku hanuunay
Hadhna iima jiidee
Ku hagaagay ku hanuunay
Iimana hilawdee
Hogol weeyi mana hoorto
Hilaacana ma daysee

Hawl iyo dhibaatiyo
Hami kugu badnaayoo
Hibashada naftaaduu
Halis maanta galisee
Hada adiga taladaa
Halkay caawa taalaa

Mala kama hirgala oo
Kumana hakiyaanoo
Ku hanqaarmay ku haraaday
Hadhna iima jiidee
Hogol weeyi mana hoorto
Hilaacana ma daysee

Hawo ninay fogaysaba
Danbaa hoos usoo celine
Ku habawday ku hakawday
Kuumana hiloobee
Hada adiga taladaa
Halkay caawa taalaa

codkii Maandeeq, Maxamed yuusuf cabdi