Saw ma lihid canabeey
Quruxdii caruur
Aadmigu la cajabay
Saw ma lihid canabeey
Dabci iyo caqli aan
Cid kale kula wadan

Cishada aan ku arkaan
Intaan ku calmaday
Cabasho kugu qoray

Iga caawi iga caawi
Canab iga caawi
Iga caawi iga caawi
Walaal iga caawi
Iga caawi cudurkiyo
Cishqigan i haleelay
Ayaan hadalee

Saw ma tihid canabeey
Miduu cad libaax
U ciilay darteed
Saw ma tihid canabeey
Midaan cayshkiyo
Cunada uga go,ay

Cishada aan ku arkaan
Intaan ku calmaday
Cabasho kugu qoray

Iga caawi iga caawi
Canab iga caawi
Iga caawi iga caawi
Walaal iga caawi
Iga caawi cudurkiyo
Cishqigan i haleelay
Ayaan hadalee

Exit mobile version