Guri dugsoonbaan ogaa
Adoo danaheena fuliyoo
Daryeelkii wanaagii
Maxaa igu wiiqay hawshii

Ma duukbaa gakay dhexdeenoo
Aniga igu kaa diraaya
Inaan horumar gaadhno diidan
Mise damacbaa ku qaado
Daruurbaa kuu hilaacday

Ilaahbaa deeqda bixiyoo
Ciduu doonana u diidee
Ilaahbaa deeqda bixiyoo
Ciduu doonana u diidee
Hablo badanoo da,daadaa
Anoon dibadaha u doonan
Hablo badanoo da,daadaa
Anoon dibadaha u doonan
Dalkayga ka waayi maayee
Bal taa aan kuugu daro hadal

Dabeecad san baan ogaa
Isku duubni iyo walaalnimo
Dulqaadkii iyo wanaagii
Maxaa dabar gooyay magacii

Dab noolbaan dambas u moodoo
Dalaq idhi anoon diktoonay
Duduntuna ma laha dareensiiyo
Dhaxanta inaad ka dugsatee
Waxaad noqotay mid ii daran

Ilaahbaa deeqda bixiyoo
Ciduu doonana u diidee
Ilaahbaa deeqda bixiyoo
Ciduu doonana u diidee
Hablo badanoo da,daadaa
Anoon dibadaha u doonan
Hablo badanoo da,daadaa
Anoon dibadaha u doonan
Dalkayga ka waayi maayee
Bal taa aan kuugu daro hadal

Exit mobile version