yartan cadibanee codsi ii soo dirtaay
caawa kuma rabee cabashada iga daa

caashaqeenii horee calmashada xumaa
calankiisaa dhacaye ceeshka ha uga gu'in

caloolyowgaaga iyo calaacalkaaga badan
cisho uma nugliye cindigaygaa ku nacay

curad jalaqsanoo i cajabisaybaa
i casuuntayoo kuma caawin karo

yartan ciilane ii cadhaysaneey
caashaqii noo dhaxeeyay calooshaan ka jaray

waa cadceed dhacdoo sooma celin karee
cudur haduu ku helay ha ii cartamin aniga

calafkaaga cidlada ku fadhiisiyaye
cimro qaada oo cagta saar wadada

Exit mobile version