dibada odayu kama iman
dalkani waa dalkiisii
dadkuna waa dadkiisii
iyagaaba doortoo
isna waa u dadaalaa

hal dooga kiciyiyo
cayna daw uguma lihi

ninkaan dawladnimo rabin
in lakala danbeeyiyo
qaranimada doonayn
xamar wali u dudayow
dantaadii ogaanoo
iska daaq tag kaligaa

dimuquraadinimadiyo
xisbiyada is doortee
dadkoo dhami u simanyahay
isagaa ba daah furay
daahna kaama saarnee

ducadiyo habaarkuna
wadka kaama daayeen
RABIGAA wax dili kara

Exit mobile version